Gudoonka Golaha Shacabka oo Digniin kasoo saaray La-taliye hore oo ku qaraabta Magaca Baarlamaanka..

Security Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qoraal uu soo saaray Xafiiska Gudoonka Golaha Baarlamaanka taasoo xambaarsaneyd digniin laga soo saaray shaqsi la-taliye hore ugu ahaa Guddoomiyaha Aadan Madoobe iyo Mac-had la sheegay inuu hoostago Baarlamaanka Somalia…

Qoraal kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka ayaa guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed lagu ogeysiiiyay in shaqsiga magaciisa la yiraahdo Mahad Axmed Xaaji uu mar ahaa la-taliyaha Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka, sanadkii 2022-kii ilaa bilowgii sanadkii 2023-kii, balse shaqada laga eryay Bishii November 2023-kii kadib markii uu ku dhaqaaqay qaladaad iyo waxyaabo ka baxsan howshii loo igmaday.

“Waxaan u sheegeynaa dadka Soomaaliyeed iyo cid walba oo uu la xiriiray in uusan hada ahayn la-taliyaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka sidoo kalena uusan jirin Machad la yiraahdo Machadka Baarlamaanka Bariga Afrika (Horn and East Africa Parliamentary Institute) oo hoos yimaada Golaha Shacabka” ayaa lagu yiri wargelinta kasoo baxday Golaha Shacabka.

Iyadoo sidoo kale lagu wargeliyay Hay’adaha kala duwan in shaqsigaas uusan meelna ku matali karin Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

341020cookie-checkGudoonka Golaha Shacabka oo Digniin kasoo saaray La-taliye hore oo ku qaraabta Magaca Baarlamaanka..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *