Dhaqaalaha ku Baxa Ciidamada Kala duwan ee Dowladda Federaalka ee Somalia

Somalia news

Wasaarada arrimaha Dibeda Mareykanka ayaa sanadkii ku bixisa dhaqaale 80-Millions US$ si ay u tababarto, u qalabeyso, u Quudiso, u fududeyso Saadka iyo 300-US$ u siiso Gunno ahaan Askarigiiba bishii sida ay daaha ka rogeen Ilo wareedyo loo qaateen ah…

Dalka Somalia oo xudun u ah kooxaha Argagixisada dagaalka lagula jiro isla markaasna Dowladda Mareykanka ay howlagada ka waday Dalalka uu hoos u dhigay sida Galbeedka Africa, Yemen, Afghanistan, Pakistan, Ciraaq iyo Syria, waxaana lagu sababeeyay iney Culeyska dhaqaale ee ka heysta Dagaalada ka socda Dalka Ukraine, iyadoo Dalka Somalia uu ka fuliyay sanadkii tagay ilaa 20-Duqeyn ah oo dhinaca Cirka ah.

Wararka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka oo sanadkii tagay bilowday guluf colaadeed oo lagu qaaday kooxda argagixisada Shababka lagana saaray goobo badan, ayaa la sheegay in la naafeeyay Cududa Ciidan oo kooxda Shababka ku darsoo waxaa la xakameeyay dhaqaalihii baada ahaa ee Ganacsatada ay ka qaadi jireen kaasoo lagu qiyaasay sanadkii 120-Millions US$.

Ugu dambeyntii Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa la sheegay in Dowladda Turkiga ay dhaqaale ku kabto Ciidamada Gorgor iyo Haramcad, halka Ciidamada kale ee Dowladda Federaalka siiso Gunooyin kuwaasoo la sheegay iney ka hooseeyaan kuwa ay Gacanta ku hayaan USA & Turkiga, inkastoo aan la ogeyn kuwa Eritrea lagu soo tababaray Dalka dusha saartay dhaqaalaha ku baxaaya.

244240cookie-checkDhaqaalaha ku Baxa Ciidamada Kala duwan ee Dowladda Federaalka ee Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com