Wararka hordhaca ee naga soo gaaraya Magaalada Dhuusa mareeb ayaa sheegaya in Mr.Kheyre uu culeys ku saaray Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), iney xoogga saarayaan sidii Kooxda Shabaab looga saari lahaa Degaanada, Ceelbuur iyo Galhareeri ee Gobolka Galgaduud….
Degaanadaan oo ay ka soo jeedaan Marwada Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad ee Maamulka Farmaajo ayaa rajeynaaya in hadii Dib looga xoreeyo Degaanada Kooxda Shabaabka ay suurto gelin karto, in Mr.Kheyre uu damaciisa Xilka Xafiiska Madaxtooyada Villa Somalia sare u kaco.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in waxqabadka Mr.Kheyre ee Dhismaha Galmudug iyo doorshada Muranka badan dhalisay ee Mr.Qorqor ay qayb ka aheyd qorshihiisa iyo sidii lagu xorayn lahaa Degaanada uu ka soo jeedo, iyadoo la adeegsanaayo Hubka iyo Maleeshiyaadka Beelaha Ceyr iyo Saleman, iyadoo Beesha Sacad weli go’aansan iney taageerto qorshahaasi.
Beelaha Mareexaan iyo Dir ayaa ku gacan seyray iney qeyb ka noqdaan oo ku soo biiriyaan Maleeshiyaad iyo Hub Howlgalada lagu xoreynaayo degaanada Beesha Murusade, waxeyna sheegeen ineysan wiilashooda u diri doonin agaga Ceelbur iyo Galhareeri.
Saraakiisha Ciidamada ayaa ka digay Qorshahaan waxeyna Sheegeen inaanay wax sahlin ahayn in Shabaabka xilligaan laga saaro degaanadaasi, sababya Oo ah, iyadoo aaney jirin Maleeshiyaad degaanka Oo diyaar u aheyn iney dhulkooda xoreystaan iyo Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Jabuuti oo ka cudur daartay iney qeyb ka noqdaan qorshahaasi fulintiisa.