Sarkaal Ka Badbaaday Qarax Miino

Uncategorized

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya qarax miino saakay ka dhacay Isgoyska Benadir ee Magaalada Muqdisho, kadib markii ay Miinadu haleyshay Gaari kuwa Ciidamada ah….

Ugu yaraan hal Askari ayaa ku geeriyooday qaraxaasi, halka 3-kale waxaa ka soo gaaray dhaawacyo iyadoo loo la cararay Goobaha Caafimaadka, Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in Gaariga la qarxiyay uu saarnaa Madaxda Hogaanka Caafimaadka Boliiska Mr.Cali Xersi Barre (Cali Gaab) balse Waa ka badbaaday.

Ma jirto cid sheegtay iney falkaan ka dambeysay, wallow falalka noocaan oo kale ay caan ku yihiin Kooxaha argagixisada (Shabaabka), Saraakiisha Amaanka ayaa goobta Gaaray iyagoo sheegay iney xilgaan heynin warar dheeraad ah oo la xiriira falka miinada.

35590cookie-checkSarkaal Ka Badbaaday Qarax Miino