Halis Qaraxyo Oo Laga Digay

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah oo laga helay ilo Amni ayaa tilmaamaya xog aad xasaasi ah halisna ku ah nolasha iyo Amaanka Shacbiga ku dhaqan Muqdisho oo diyaariyay kuwaasoo fulintooda la isla meel dhigay….

Xogtaan ayaa u xaqiijisay in Horjoogayaasha Kooxda Shabaabka Oo kulamo wada tashi ah mudooyinkaan u dambeeyay u socday Garabyada Kooxda Shabaabka, kaasoo lagu xalinayay kala shaki soo kala dhaxgalay Horjoogayaasha, ayaa gunaanadkii shirka la isla meel dhigay in la fuliyo weerar iyo qaraxyo lagu qaado Goobaha muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Kooxda loo xulay sahanka iyo agaga bartilmaameedsadaan, ay wada tashiyo la sameeyeen kuwa laba Kaarlayaasha ee ka tirsan NISA iyo Boliiska si loogu fududeeyo iney si Sahal ah ku gaaraan bartilmaameedkooda.

Kooxda Al Shabaab ayaa looga cabsi qabaa in aay labo qarax oo aad u culus ka fuliyaan magaalada Muqdisho. Goobaha looga cabsi qabo ayaa kala ah:
– Degmada Xamar Gaar ahaan Weyne Isgooska Shabeelle Agagaarka Jaamacada Umada.

-Suuqa degmada Karaan.

-Tiro Hoteelo aan la cayimin.

Xarumaha Wasaaradaha

37640cookie-checkHalis Qaraxyo Oo Laga Digay