Waa Kuma Babatunga Madaxa Siyaasada Amisom

Somalia news

Shaqsiga Madaxda ka ah Xafiiska Siyaasada Ee Qeybta Rayidka Amisom oo magaciisa lagu Sheego Babatunga Taiwo, ayaa ka soo jeeda Dalka Nigeria, wuxuuna saameyn weyn ku leeyahay Xafiisyada Midowga Africa ee Somalia, isagoo gacan yare u ah Madaxa Howlgalada Francisco Madeira…

Babatunde Taiwo ayaa laga hor istaagay inuu Lataliye ama gacan yare unoqdo Wakiilka gaarka ah arimaha doorashada ee Midowga Afrika, kadib dacwad xoog badan oo ay gudbiyeen Puntland, Jubbaland iyo Midowga Musharaxiinta.

Shaqsigaan ayaa ah La taliyaha arimaha siyaasada ee Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya Danjire Madeira, isagoo sidoo kale la sheegay inuu bixiyay Amarada ay ku howlgaleen Ciidamada Amisom ee Sector-ka Ethiopia ee Magaalada Baydhabo kuna xasuuqeen Dad rayid ah oo Banaanbax dhigaayay, Taiwo ayaa lagu tilmaamay inuu yahay musuqmaasuqe khibrad sare leh, danaysta ah aan haba yaraatee tixgelin Mas’uuliyada uu hayo.

Waxaa lagu Eedeeyay Taiwo iyo Madeira iney Xogaha Xaafiisyada Amisom, Unsom iyo guud ahaan Beesha Caalamka, go’aamada soo baxaya iyo Waraaqaha muhiimka ah u gudbiyaan Adeege Fahad Yaasiin, iyagoo mushaar joogta laga siiyo Hey’adda NISA.

117890cookie-checkWaa Kuma Babatunga Madaxa Siyaasada Amisom