Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya dil bareer ah oo xalay ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo lagu dilay haweeney ka tirsaneyd Ururka Haweenka Gobolka…..
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Marxuumad Maryan Maxamuud Axmed, waxaana la sheegay in ay dileen rag bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo ka toogtay qeybaha sare ee jirkeeda.
Kooxdii geysatay dilkaas ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana gaaray halka lagu dilay haweeneydaas, Xoogaga amaanka ee ka howlgala saldhigga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Ilaa hadda ma jirto cid ay shaaciyeen Xoogaga amaanka oo loo soo qabtay dilka haweeneydaas ka tirsaneyd ururka haweenka gobolka Banaadir, sidoo kale ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda dilka marxuum Maryan Maxamuud.
Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ayaa inta badan sheegta falalka dilalka iyo kuwa kale ee amaan darro ee ka geysta magaalada Muqdisho oo markii ay doonaan ay ka fuliyaan dilal qorsheysan iyo afduub