Ciidamo Isku Rasaaseeyay Muqdisho

Politics

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya I srasaasey dhex martay Lab Ciidan oo ka kala tirsan Dowlada Federaalka, kadib markii uu muran xoogan dhex maray, taasoo khasaare ka soo gaaray Dad rayid ah…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya In Ciidamo kuwa Dowlada ah ay rasaas ku soo fureen gaari nooca dadweynaha raacaan ee Toyota Homey, waxaana halkaasi ku soo dhaawacmay laba ruux oo ahaa dadkii saarnaa gaariga Caasiga.

Intaasi kadib Ciidamadii Militariga ahaa ayaa isku dayay xoog inay ku maraan Koontaroolka Afarta Jardiin, balse Ciidamada Boliiska ee Goobtaasi ku sugnaa ayaa rasaas ku bilaabay Ciidanka.

Iska horI maadka dhexmaray Xoogaga Boliiska & Xooga Dalka ayaanan sababin wax Khasaare ah, balse waxaa baxsaday Ciidankii Militariga ee dhibaatada u gaystay dadka shacabka ah.

Ciidan ka socday Saldhiga Boondheere oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen ayaa dabagal ku haayo Ciidamada Militariga & meesha ay ka tirsan yihiin si loogu soo oogo dacwad ah dhibaatada shacabka u gaysteen.

Magaalada Muqdisho oo xilligaan ay ka jirto qaad la,aan maadaama duulimaadyada xaniban yihiin ayaa waxaa dhacda ciidamada inay iska rasaaseeyaan dadka shacabka ah, iyadoo xaalada Magaalada Muqdisho ay gashay xaalad cakiran

25290cookie-checkCiidamo Isku Rasaaseeyay Muqdisho