Hay’adda FOA oo ku baaqday In Laga Sii Gaashaanto Fatahaadaha iyo Webiyada Somalia

Health

Warbixinada Saadaasha Roobabka ee todobaadka soo socda ayaa ku baaqaya in la kordhiyo talaabooyinka xakamaynta khasaaraha roobabka iyo Cabsida fatahaadaha ka socda inta badan gudaha Soomaaliya iyo dhulka sare ee Ethiopia….

Roobab mahiigaan ah oo lagu qiyaasay in kabadan 100 mm ayaa laga filayaa gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellooyinka iyo qeybo katirsan degaanada Somaliland ka da’aan dhowaan.

Warbixintu waxay kaloo sheegaysaa in Roobab isku-dar ah oo gaaraya 40mm ilaa 60mm laga filayo gobollada Puntland iyo gobollada dhexe.

Waxaa la saadaalinayaa inay horseedi doonaan inuu kordho qulqulka wabiyada Jubba iyo Shabeelle ee Soomaaliya, Marka la eego saadaasha roobka iyo heerarka wabiyada.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2019, Fatahaad baaxad weyn oo ka dhalatay Roobabkii Deyrta, ayaa khasaare ba’an ka geysatay gobolka Hiiraan iyo gobolada kale ee uu maro webiga Shabelle.

Boqolaal kun oo qoys ayaa ku ceyroobay fataahadaas, sidoo kale waxaa ku naf waayay dad kaloo badan oo isugu jiray masuuliyiin iyo shacab.

29040cookie-checkHay’adda FOA oo ku baaqday In Laga Sii Gaashaanto Fatahaadaha iyo Webiyada Somalia