Maxaad Kala Socotaa Halista Caafimaad ee Daawada Paracetamol-ka.

Health World

Dalka Somalia Kaniiniga Paracetamol waa mid ka mid Dawooyinka aadka looga Isticmaalo guud ahaan Aduunka gaar ahaan Dalka, inkastoo aan tirakood sax ah la heynin, balse USA waxaa sanadkii la iibiyaa ilaa 49,000-tan, waxaana qiyaastii la sheegaa inuu Qof ku soo aado Sanadkii 49-xabbo…

Halis Caafimaad ma leeyahay

Warbixin Caafimaad ayaa daaha ka rogeysa in khatarta Kaniinigaan uu leeyahay, waxaa qeyb ka ah in di fudud lagu heli karo iyo iyadoo aysan ku caddeyn xadiga (tirda) markiiba la isticmaali karo, ku darsoo saameyntiisa ayaa ka tilmaamaa iney kala duwan tahay, Bukaanada qaar ayaa u isticmaala Dhabar xanuun halka kuwo kale kuwo waxey isku arkaan calaamado kale.

Khabiirada Caafimaadka ayaa ka digay in Kaniinigaan uu howlgab ja dhigo Beerka, waxaa kaloo la sheegay in isticmaalkiisa uu saameyn ky reebo Caruurta Da’doodu u dhaxeyso 2-11 sano jirka kaasoo ku xiran miisaanka ilmaha, 55-75/mg ayaa maalintii loo xisaabiyaa calaa kiilo Cunugii, halka kuwa ka yar hal sano ay wanaagsan tahay in Dhakhaatiirta lagala tashado.

271240cookie-checkMaxaad Kala Socotaa Halista Caafimaad ee Daawada Paracetamol-ka.