Waaxda Arrimaha Gudaha ee maamulka Puntland ayaa shaacisay heshiiska xisbiyada siyaasadda Puntland ee dhismaha goleyaasha degaanka 3-da Degaan ee Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan ee gobolka Nugaal, kadib markii Xisbi ku guuleysan waayay aqlabiyada Doorsahada…
Wararka ayaa sheegaya in Xisbiyadda Siyaasadda Puntland ee Kaah, Mideeye, Runcad iyo Shaqaalaha ku heshiiyey iney wada dhistaan goleyaasha Degaanada Gobolka Nugaal, xisbiyadan ayaa yeeshay isbahaysi siyaasadeed oo ay ku wada dhisanayaan Gudoomiyaha iyo guddoomiye kuxigeenka.
Iyadoo Xisbiga Kaah lagu heshiiyey inuu qaato xilalka Guddoomiyayaasha degaanada Garoowe, Dangorayo iyo GodobJiiraan, halka xisbiga Mideeye uu isna helay guddoomiye kuxigeenka degmooyinka Dangorayo iyo Godobjiiraan, waxayna kala yihiin sida ku cad Qoraalka hoos ku xusan.