Kulanka Garowe ee Deniga Puntland iyo Qorshaha Madaxweynaha ee Dastuurka…

Somalia news

Madaxweynaha Dib loo doortay ee Maamul Goboleedka Puntland Saciid Deni ayaa ku dhawaaqay Gogol wadahadal ku saabsan dib u heshiisinta iyo Dastuurka Dalka oo la dhigay caasimada Puntland, taasoo uu aqbalay Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya caleemo-saarkii Garowe…

Dhawaaqaan ayaa imaaneysa iyadoo ay Puntland xiriirka u jartay dowladda Federaalka Janaayo 2023, kana baxday ka qeyb galka tiro shirarka Golaha Wadatashiga Qaran oo go’aano culus lagu gaaray, inkastoo uusan weli meel fagaaro ah ka sheegin inuu ka laabtay xiriirkii u jaray, hadana waxaa la isweydiinayaa sida ay isku qaban karaan labada arrimood, (Nin Caro ku maqan 18-Bilood oo Gogol nabadeed fidinaya).

 Xasan Sheekh ayuu sheegay Siciid Deni inuu aqbalay Gogosha Garowe, isla markaana uu guddi u xilsaaray, iyadoo laga sugayo waqtiga uu kulanka dhici doono, balse xogta la helay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku socon dooni qorshihiisa wax ka bedelka Dastuurka.

Shaki weyn ayaa laga muujinayaa sida xal laga gaari karo khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka iyadoo uu weli taagan yahay is-afgaranwaagii u dhaxeeyay Siciid Deni iyo Xasan Sheekh oo ku saleysan khilaaf shaqsi ah.

305220cookie-checkKulanka Garowe ee Deniga Puntland iyo Qorshaha Madaxweynaha ee Dastuurka…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com