Hey’adda Kaalo Oo Dugsi Waxbarasho ugu Deeqday Kuraas iyo Miisas ee Degmada Eyl…

Education Somalia news

Kadib markii dhawaan Baraha Bulshada lagu faafiyay muuqaalo ka turjumaaya Arady Dugsi ku yaal Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal oo dhulka fadhiya waxna ku baranaaya isla markaasna Kuraas iyo Miisado la’aan ah , ayaa waxaa baaqa ka soo jawaabay Hey’adda Samafal oo ku deeqday Kuraas iyo Miisado Dugsigaasi..

Hey’adda Kaalo Netherland ah oo ka mid ah Hay’adaha samafalka ayaa deeq miis iyo kuraas ah ku wareejisay dugsigaasi, iyadoo loo soo marsiiyay Waaxda Waxbarashada ee Gobolka Nugaal ee Puntland, Talaabadaan ayaa lagu tilmaamay mid ay Hey’addi ku heshay sumcad iyo Taageero bacdamaa ay si deg deg ah uga soo jawaabtay halka Maamulka Deni uu ku mashquulsan yahay Safaro dalxiis oo Dalka Dobadiisa ah.

Sawirada laga soo qaaday Ardayda wax ka barata Dugsiga hoose dhexe ee Xaafadda Badey ee Eyl oo fadhiya dabaqa, ayaa caro ka dhalisay degaanada Maamulka Puntland iyo Somalia, Wasaarada waxbarashada Puntland ayaan ka hadlin xaalada adag ee dhanka Waxbarashada, inkastoo miisaaniyada waxbarashada Gobolka loogu talagalay maamulka waxbarashada gobolka Nugaal.

347250cookie-checkHey’adda Kaalo Oo Dugsi Waxbarasho ugu Deeqday Kuraas iyo Miisas ee Degmada Eyl…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com