Hey’adda NISA Oo Noqotay Xarun Shaqaalaheeda Lagu Dulmiyio

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa sheegaya in Madaxii hore NISA ee Gobolka Benadir Ibraahim Macalin laga ruqseeyay Hey’adda, kadib markii lagu eedeeyay inuu ku kacay falal ka hor imaanaya danaha Adeege Fahad Yasin….
Xogtaan ayaa tilmaamtay in qoraal uu Adeege Fahad ka hor aqriyay hoggaanada kala duwan ee Hey’adda oo lala wadaagayay eedeynta Sarkaalkaas iyo go’aanka ka saarida xubunnimada hey’adda, iyadoo aan ilaa hadda la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeeysa Shaqo ka eryida.

Tan iyo markii Hoggaanka NISA uu la wareegay Adeege Fahad ayaa waxaa jiray saraakiil dhowr ah oo laga ruqseeyay xubinnimada Hey’adda, iyadoo lagu eedeeyay inay galeen arrimo ka hor imaanaya hannaanka shaqo iyo danaha qaranka, waxaana xubnaas horay looga saaray hey’adda ka mid ahaa Taliye kuxigeenadii Hore hore ee NISA.

Hase ahaatee waxaa su’aalo kala duwan ka imaanayay habka shaqo ka ruqseynta xubnaha Hey’adda ka tirsan oo ahaa tallaabooyin cusub oo labadii sano u dambeeyay uu la yimid hoggaanka Hey’adda, waxaana dadka bartay arrimaha sharciyada ciidanka ku tilmaameen in go’aamadan aanay aheyn kuwo Maxkamad ay riday iyo mid Nidaamka saxda ah loo maray, ee ay ku yimaadaan Laab la kac iyo Naceyb, marka la eego eedeynta ka timaada hoggaanka oo aanay ku dhisneyn sharciyad, maadaama haddii shaqsiga la soo eedeeyo ay tahay in gal dacwadeed laga diyaariyo hadii uu dembi galo oo Maxkamadda ciidanka la horgeeyo ama Xeer-hoosaadka Hey’adda la mariyo haddii uu galay dambi iyo nidaamka ka hor imaanaya danaha Qaranka loogu qaado, haddii ay ku cadaatana ay Maxkamadda ka qaado tallaabada ku habboon sida ruqseyn iyo darajo ka xayuubin.

30560cookie-checkHey’adda NISA Oo Noqotay Xarun Shaqaalaheeda Lagu Dulmiyio