Jahwareer Siyaasadeed Ee Jowhar Iyo Jidgooyada Farmaajo

Politics

Kadib markii Siyaasiyiinta,Waxgarad iyo Dadka Degaanka Degmada Jowhar ay ku gacan seyreen in Ciidamo hordhac ah oo 1000 Maleeshiyo oo Bac ka Sii la geeyo Magaalada Jowhar, ka hor safar u qorsheysanaa in Mr.Farmaajo uu ku tago Magaalada inta aan la qaban doorshada Sanadkaan..

Xogtaan ayaa u tilmaamtay Diinah.com in Mr.Farmaajo uu Sidoo kale 800 oo Ciidamo dhowaan laga keeni Dalka Eritrea u la tago degmada Jowhar si qasab ah loogu qabto Magaalada, Ciidamada joogaan laga saaro, Qorshahaan oo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka ay si hordhac ah u heleen ayeey u sheegeen Mr.Farmaajo in Ciidamo tiradaas la eg aan looga baahneyn Magaalada Jowhar, hadii uu kaligiis yahay ay Soo dhoweyn ayaan amaankiisana ay Sugayaan.

Markii uu ku hungoobay Qorshihiisii ayuu Dhaqaale dhan 1-Million oo US$ ah u soo dhiibay Gudoomiyaha Barlamaanka Hir-Shabelle si uu u kasbado Xildhibaanada, nasiib darro qorshahaasi Waa Fashilmay, waxaana lagu wadaa in Maalinta Arbacada ah Xilka laga xayuubiyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana bedeli doona xubin ay isku beel ka soo wada jeedaan Gudoomiyaha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay in xiligaan uu ku xayiran yahay gurigiisa laguna wargeliyay inuusan ka soo bixi karin inta ay Xildhibaanada ka doodayaan Mooshinka laga keenay.

Khubarada falanqeeya Arrimaha gudaha ee Somalia ayaa ku tuhunsan In Villa Somalia ka dambeeysa Is-Jiid-jiidkaan uuna yahay “gacan ku rimis dhicis ah”, ujeedada ka dambeysa ay tahay in la helo Xildhibaano maqaar saar ah Oo Maamulka Farmaajo daacad u ah, hadii la waayana la helo marmarsiinyo lagu baajiyo Doorashooyinka qorsheysan ee Sanadkaan bilaha September iyo October 2020 iney ka dhacaan, Talaabadaasi oo Siyaasiyiinta iyo Xisbiyada Mucaaradka ay si weyn uga digeen.

30480cookie-checkJahwareer Siyaasadeed Ee Jowhar Iyo Jidgooyada Farmaajo