Hogaamiyayaasha Midowga Europe Oo Wel wel ka Muujiyay Doorashada Trump ee USA…

Politics U.S. World

Hogaamiyayaaaha Dalalka ku bahoobay Midowga Europe ayaa welwel ka muujiyay doorashada ka dhacay 5-tii Bishaan uuna ku guuleystay Mr.Donald Trump, iyadoo Wargeysyo badan oo ka soo baxa Qaarada Yurub ay ku qiimeeyeen in Donald Trump muddo xileedkiisa 2-aad uu noqon doono caqabad ka weyn term-kiisa 1-aad, Guusha Trump ayaa lagu tilmaamay mid dhul gariir ah oo taariikhi ah…

Wargayska Financial Times waxa uu qoray in Trump uu hadda haysto “fursad uu ku doonayo in uu uga dhaqmo Maraykanka oo dhan siyaabo aan la qiyaasi karin”. “Waxaa laga yaabaa in ay ahayd shil iska dhacay iyo ilduuf in hal mar la doorto 2016 laakiin in la sameeyo mar labaad ayaa loo sameeyay iyada oo indhaha la furay oo la yaqaan qofka la dooranaayo”.

Corriere della Sera ee Talyaaniga ayaa ka mid ah wargeysyada badan ee ka digaya in Yurub aysan u diyaargaroobin inay ka hortagto go’doominta gardarada ah ee Trump.

Der Spiegel oo Jarmalka ka soo baxa ayaa ka digaysa in isbedellada waaweyn ee siyaasadda arrimaha dibadda iyo amniga ee Maraykanka ay ku soo fool leeyihiin ayna u badan tahay inay saameyn xun ku yeeshaan, gaar ahaan reer Yurub. “Trump wuxuu aduunka u arkaa kayn sharcigu la iro kuwa ugu xooga badan. Xulafada ayaa xiiso u leh isaga – kaliya haddii ay si buuxda u hoggaansamaan danaha Mareykanka “.

Rzeczpospolita ee Poland ayaa qoray in Yurub aysan gabi ahaanba diyaar u ahayn Trump. “Ma jiro hogaamiye Yurub wakhtigan oo hogaamin kara bulshada reer galbeedka. Yurub waxay u baahan tahay inay si degdeg ah u eegto danahooda gudaha ee hoggaanka reer galbeedka, ka hor inta qof sida Viktor Orbán ama Vladimir Putin aanu qabsan.

Wargayska Le Monde ee ka soo baxa Faransiiska ayaa ka mid ah warbaahinno badan oo muujinaya sida ay ula yaaban yihiin awoodda Trump ee uu uga gudbayo dhammaan noocyada caqabadaha ee soo wajahay.

Wargayska El Pais ee ka soo baxa Spain ayaa qoray in guusha Trump ay tahay “guul u soo hoyatay gardarada raganimada leh, hab la dhaqankaxun ee dadka kale, guul u soo hoyatey aflagaadada weyn ama ereyada waxyeellada leh.

348870cookie-checkHogaamiyayaasha Midowga Europe Oo Wel wel ka Muujiyay Doorashada Trump ee USA…