Maxaa Xal u ah Ragga iyo Dumarka Muddo Dagaalka Bidaarta Kula jira Ee Xaragada la Coloobay..

World

Sanadihii ugu dambeeyay waxaad aad u soo kordhaayay welwel iyo cabashada ay qabaan Tiro badan oo Rag iyo Dumar ka qabaan Bidaarta iyo Timo daadashada, iyadoo khubarada Caafimaadka ay ku tilmaameen in Bidaarta iyo timo daadashada ay laba sababood ay horseedaan..

Marka hore, taariikhda Qoyska iyo Hiddo-sidaha qaarkood ayaa u gudba jiil ilaa jiil, Mida 2-aad, Hormoonka loo yaqaan dihydrotestosterone (DHT), oo keeni kara daadashada timaha, Mid ka mid ah ballanqaadyada ugu horreeya ee ka dhanka ah bidaarta noocaan ah waxay si sax ah ugu jirtaa DNA-da.

Sannadihii u dambeeyay, Cilmi-baarayaashu waxay si qoto dheer u baareen hiddo-sidaha ugu muhiimsan ee dhaliya bidaarta, Kooxo kale ayaa ka shaqeynaya fikradda ah inay si toos ah u farageliyaan hiddo-sidaha ku xiran daadinta timaha, si rajo looga qabo iney dib ugu noqdaan ficilkooda, “Daraasadaha qaar ayaa ku tilmaamay waxa loo yaqaan osteopontin, taas oo ka muuqata burooyinkan madow ee timaha,” Khabiir ku takhasusay Timaha.

Aragtida 3-aad ee Dagaalja Bidaarta ayaa ah in mustaqbalka si loola dagaallamo bidaarta waa timaha oo la mideeyo, Waqtigan xaadirka ah, beerista timaha, habka wareejinta timaha ee aagga lagu beerayo ilaa meelaha kale ee madaxa ayaa lagu sameeyaa iyadoo la adeegsanayo waxyaabaha laga soo qaaday lagu beeraha.

Labaatanka sano ee soo socota waa in uu war wanaagsan usoo yeero dadka bidaarta leh, ee xarragada la colloobay, sida laga soo xigtay daraasado dhowaan la daabacay iyo saadaalin ay sameeyeen khubarro ay BBC News Brasil la tashatay, daawaynta saxda ah ee timaha daata ayaa la filayaa in ay suuqa soo gasho muddo dhow.

284690cookie-checkMaxaa Xal u ah Ragga iyo Dumarka Muddo Dagaalka Bidaarta Kula jira Ee Xaragada la Coloobay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com