Hogaanka AU-da Iyo Amisom Oo La Eedeeyay

Politics

Gudoomiyaha gudiga midowga afrika Moussa Faki Mahamat ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug leeyahay musuqmaasuq iyo in uu ku tagri falay awoodda xafiiska, isagoo Sidoo kale Saraakiisha Amisom uu culeys ku saaray ineysan ka hadlin tacadiyada ka socda Somalia….

Hogaanka AU-da iyo ka Amisom ayaa lagu eedeeyay eedeymo dhowr oo ay ka mid tahay iney Dhaqaale laaluush ah oo joogto ah ka qaataan Dalka Qadar si maamulka Madaxweyne Farmaajo isagoona markaa fasaxay in ciidamda Ethiopia ay xasuuqaan dad shacab ah magaalada Baydhabo bishii Desember ee sanadkii 2018.

Eedeymaha ayaa lagu cadeeyay qoraalo sired oo ay isdhaafsadeen Saraakiisha AU-da iyo Amisom, kuwaasoo lagu qoray in tacadiyo badan laga geystay Somalia 3-sano ee ugu dambeysay balse uu Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika diiday in la shaaciyo.

Nuqulada aan helnay oo ku taariikheysan Bishan Maarso 7 2020, ayaa waxaa eedeymaha loo jeediyay Moussa Faki ku saxiixan Madaxa Shaqaalaha Midowga Afrika Sabelo Mbokazi.

Howlwadeenada Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay iney walaac weyn ka qabaan qaabka maafiyanimada ah ee uu xafiiska u isticmaalayo Guddoomiyaha Ururka iyagoo sheegay in haddii aanan tallaabo degdeg ah laga qaadin uu ururka weyn doono kalsoonida dalalka Afrika ee ku bahoobay Midowga Afrika.

Eedaha loo jeediyay Moussa Faki ayaa la sheegay in laba jeer uu dhaqaale aan la sheegin cadadeeda uu ka qaatay Safaaradda Qatar ay ku leedahay magaalada Addis Ababa xilli uu magaalada safar ku joogay Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yasin.

Dowladda Qatar ayaa iska fogeysay eedeymahaas waxayna email jawaab ah oo aay u soo direen ururka Midowga Afrika aay ku sheegeen in Dowladda Qatar aanay siin wax lacag oo laaluush ah Guddooiyaha, balse waxay sheegeen in Moussa uu ka mid yahay saaxiibada ay Qatar ku leedahay Midowga Afrika.

24200cookie-checkHogaanka AU-da Iyo Amisom Oo La Eedeeyay