Danaha Is-Diidaaya Isbaheysiga Asmara-Addis-Muqdisho

Politics

Madaxweynayaasha Dalalka Somalia Ethiopia iyo Eritrea ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxey kulamo aan dhamaadka laheyhn oo aan loo soo bandhigin Shacbigooda ku yeesheen magaalooyinka  Asmara Addis Abeba iyo Muqdisho, iyagoo ku aasaasay Gole aan wax badan laga ogeyn iyo ujeedada ka dambeysa.

Iyagoo ku aasaasay Urur Iskaashi oo ay yeeshaan Bulshada Kushitiga ah ee dalalkaasi ka soo jeeda, waxeyna ku haminayaan iney tartan la galaan Ururada East African Community iyo IGAD, kuwaasoo ka dhisan Bari Africa, waxeyna ugu baaqeen dalalka Kenya iyo Jabuuti iney ka mid noqdaan Ururka cusub.

Dalalka Jabuuti iyo Kenya ayaa iska diiday iney ku biiraan Isbaheysigaasi, waxaana lagu sababeeyay diidmadaasi xiisada Badda ee Kenya kala Dhaxeyso Somalia iyo Dalka Jabuuti muran iyo dhul ay leedahay ay ku qabsadeen Dalka Eritrea, waxeyna labada Ciidan isku horfadhiyaan Xuduuda labada Dal.
Diblomaasiyiin iyo Aqoonyahanno ayaa ku sifeeyay Iskaashiga Ururka Cusub oo ay dhidibada u taageen dalalka hor ku xusan inuu la mid yahay Urur Goboleedka IGAD, kaasoo sanadkaan muran hareeyay cidda qabaneysa Hogaanka Ururka, kadib markii 13-sano ee u dambeysay ay iska maamulanaayeen Ethiopia iyo Kenya.

Hogaanka Eritrea ayaa In muddo ah ku haminaayay iney Urur Kushitig ah oo dalalka ku bahoobaaya Gancsiga, Is-dhex galka bulshada iyo iney Dhaqaale iyo Difaac mideysan yeeshaan, iyadoo Indheergaradka Somalia ay digeen In lagu degdego ku biirista Urur aan Faa’iido badan ku qabin Shacbiga Soomaaliyeed, waxeyna soo jeediyeen In Shacbiga loo soo bandhigo bacdamaa Qodobo masiiri ah laga hadlaayo.

17280cookie-checkDanaha Is-Diidaaya Isbaheysiga Asmara-Addis-Muqdisho