Hogaanka Khaatumo Oo Ku Gacan Seyray Nooc kasta Oo Wada Hadalo ah Somaliland la Galaan & Sababta..

Politics Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Hogaanka Maamulka Khaatumo oo ku gacan seyray nooc kasta oo wada hadalo ay la galaan Maamulka cusub ee Somaliland, iyagoo ku sababeeyay xasuuqa ba’an oo ay ka geysteen Xoogaga Hubeysan ee Somaliland degaanada Gobolka Sool intii ay dagaalada socdeen iyo ka horba..

Mushkilada ugu weyn ee Somaliland iyo Khaatumo (SSC-Khaatumo) ka dhaxaysaa waxay inta badan ku wareegaysaa qodobada hoosta ku xusan:-

Muran dhuleed, Madaxbanaanida iyo Xuduudaha Somaliland waxay sheeganaysaa gobolada SSC (Sool, Sanaag, iyo Cayn) inay ka dhaxleen kana tirsan yihiin dhulkeeda oo ku salaysan xuduudihii hore ee British Somaliland protectorate, Taas bedelkeeda, Khaatumo iyo taageerayaasheeda ayaa ku adkeysanayaan iney diidan yihiin gooni isu taagaan ayna rabaan iney la midoobaan Somalia, iyagoo diiday sheegashada Somaliland ee deegaanadaasi Gacan ku haynta Goboladan, gaar ahaan goobaha istaraatiijiga ah sida xuduudaha Laascaanood vs Garoowe, ayaa xudun u ah khilaafka taagan Dhinaca Somaliland waxey aaminsan yihiin iney ka dhaxleen Ingriiska.

Midinimad Vs Gooni Goosadka, Somaliland waxay raadinaysaa aqoonsi caalami ah oo ah dal ka madax bannaan Somalia, halka madaxda Khaatumo iyo qaar badan oo ka mid ah Dadka degan ay u doodaa in la midoobo Somalia oo lagu dhaqmo nidaamka Federaalka ama ugu yaraan in la helo maamul ka baxsan awoodda Somaliland. . Kala duwanaanshahan fikradeed ayaa keenaya inta badan khilaafka laga gaaro xal waara.

Siyaasadda Qabiilka Ku Salaysan:- Dhaqdhaqaaqa Qabiilku wuxuu door muuqda ku leeyahay saaxadda Siyaasada Somaliland/Somalia. Gobolada SSC waxa dega inta badan Beesha Dhulbahante, kuwaasoo taariikh ahaan laga dareemayey in la xaqiray ama aan si ku filan u metelin Maamulka Somaliland ee Maamulkeedu Isaaqu u badan yahay, Xiisaddan qabiilku waxay sii xumaynaysaa murannada siyaasadeed iyo kuwa dhuleed.

Colaada iyo Rabshadaha Dhiiga badan ku daatay ayaa ka dhacay gaar ahaan agagaarka magaalada Laascaanood oo ay isku horfadhiyeen Xoogaga SSC iyo Khaatumo iyo Maleeshiyaadka Somaliland, Dagaalladaan ayaa ka dhashay isku dayo ay Somaliland ku doonayso inay ku sii adkaysato iney xoog ku maamusho degaanadaasi halka Maamulka SSC-Khaatumo ku doonayso inay ku caddayso madaxbannaanideeda ama midnimada Somalia.

Danaha Dhaqaale & Xakamaynta Kheyraadka, Degaanada Gobolka Sool, Degmada Buuhoodle iyo Bariga Gobolka Sanaag waxaa ceegaaga kheyraad oo ay leeyihiin awood dhaqaale oo ay labada dhinacba rabaan inay maamulaan, Arrimaha qaybsiga kheyraadka, canshuuraha iyo mashaariicda horumarineed ayaa ah qodobada la isku hayo, iyadoo lagu eedeynayo Somaliland inay ka faa’ideysato kheyraadkaas iyadoo aan dib loo maalgelin gobolka.

350580cookie-checkHogaanka Khaatumo Oo Ku Gacan Seyray Nooc kasta Oo Wada Hadalo ah Somaliland la Galaan & Sababta..