Baarlamaanka 11-aad & Ka Baxsashada Cadaalada

Somalia news

Dalka Somalia ayaa laga diyaarinayaa Doorasho dadban oo Lagu dooranaayo Baarlamaanka 11-aad in laga qabto dhowaan inkastoo ay soo shaac baxaayaan Caqabado badan oo horseedi kara ineysan qabsoomin, waxaana lagu wadaa in la xulo Xildhibaano labada Aqal ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka Federaalka…

Baarlamaanka 10-aad ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu liitay tayo iyo shaqo ahaan, wuxuuna wax qabadkiisii ku soo afmeeray muddo kordhin sharci darro ah oo horseeday in dagaal dhiig ku daato ka dhaco Caasimadda Mogadishu, Xildhibaanada Somalia ayaa in muddo ah waxey aragtidooda ku saleysneyd macaashka dhaqaale, xil Wasaaradeed iyo loo adeego Madaxweynaha xiligaas Xilka haya.

Haataan Waxaa soo shaac baxaaya mowduuc cusub oo ku soo kordhay kaasoo ah iney Xildhibaano noqdaan Xubno dembiyo culus Dalka ka galay si ay xasaanad uga helaan ugana baxasadaan Cadaaladda, 8-dii sano ee ugu dambeysa waxaa jiray Eedeysanayaal loo heysto xatooyo xoolo dadweyne, dilal qorsheysan, Afduub Siyaasadeed iyo ku takri fal awooda Xafiiiska iyo heykalka Dowladnimo oo Xildhibaano noqday/noqonaaya.

Somalia Jilaayaasha Siyaasada ayaa la sheegay iney dembiyada ay geystaan aan laga abaal marin, waana sababta ugu weyn ee dalkaan u degi la’yahay, Sanadkaan ayaa noqon doona Sanadka ay Xildhibaano noqon doonaan Xubno ay ka yihiin Farmaajo, Fahad Yasin Jiis-mareexaan, Biixi iyo ugu yaraan 56-xubnood oo ka tirsan NISA, Xoogga Dalka, Asluubta iyo Boliiska.

Damaca Xubnahaan ayaa lagu wadaa inuu Qaali ka dhigi doono Musharixiinta Xildhibaanimo doonka ah, xasaanada Xubnahaan la siinaayo ayaa u muuqata mid lidi ku ah Xaqqa Sinaanta Sharciga iyo isla xisaabtanka Dowlad wanaaga, 4-tii Sano Ee Farmaajo Dalka loogama dhaqmin Shuruucda Dalka iyo Dastuurka u degsan, Shaqsi diiday inuu Ku dhaqmo Shuruucda Dalka ma ku baxsan doonaa Xasaanad!!??.

129180cookie-checkBaarlamaanka 11-aad & Ka Baxsashada Cadaalada