Hogaanka Ururka Xamaas oo Mujaahid Yahya Sinwar u dooratay Hogaamiyaha Cusub..

World

Golaha Dhexe ee Ururka Xamaas ayaa Talaadadii ku dhawaaqday in Mujaahid Yahya Sinwar oo madax ka ah Halganka ka socda Marinka Gaza ay u doorateen Hogaamiyaha cusub ee Xafiiska Siyaasadda Ururka, kadib Dilkii Ismail Haniyeh ee bishii hore lagu dilay magaalada Tehran…

Afhayeen u hadlay Ururka Xamaas Osama Hamdan ayaa sheegay in Sinwar si wadajir ah loogu doortay Hogaamiyaha cusub, taasoo ka tarjumaysa fahamka Xarakada ee baahida hadda jirta ee Ururka, Wixuu intaa ku raaciyay in Sinwar uu had iyo jeer ku lug lahaa wada xaajoodka xabbad joojinta ee lala galay Israel, Yahya Sinwar ayaa laga yaabaa inuu u guuro Magaalada Dooxa ee Dalka Qatar kadib dilkii Ismail Haniye

Sinwar, oo ay aad isugu dhawaayeen Hogaamiyihii Ruuxiga ee Ururka Xamaas Sheekh Axmed Yaasiin, isla markaana lagu tiriyo inuu ka mid ahaa tirarkii Aasaasida Hay’adaha Amaanka Gudaha ee Xamaas, waxeyna Israa’iil hore ugu xukuntay afar xadhig oo xabsi daa’im ah dabayaaqadii sideetamaadkii. Hgaamiyaha cusub oo muddo 23-sano halganka Safka hore kaga jiray Hogaaminta Xafiisyada Amniga Ururka.

Sanadkii 2011-kii ayaa Mr.Sinwar laga sii daayay Xabsiga Israel, isagoo ka mid ahaa 1,047 Maxaabiis Falastiniyiin ah oo xiligaasi lagu bedeshay Askari Israel u dhashay oo lagu magacabi jiray Gilad Shalit oo ay afduubteen Xoogaga Xamaas sanadkii 2006-dii, wuxuuna Mr.Sinwar madax ka ahaa Xoogaga Hubeysan ee Xamaas isagoo bedelay Hogaamiyihii la dilay Ismacil Haniya, Sanadkii 2021-ka ayaa loo doortay Hogaamiyaha Xamaas ee magaalada Gaza inuu xilkaasi hayo muddo 4-sano ah.

Dhaqaalaha guud ee Ururka Xamaas ayaa lagu qiyaasaa inuu kor u dhaafaayo 11-Billions US$, waxeyna ku soo iibsataa Hubka Casirga ah kadibna dib u farsameysa, iyadoo Dalalka Iran,Turkiga, Russia, China iyo Qatar ay yihiin Dalalka dhaqaale ahasn taageera Urukaan, Hogaamiyaha cusub ayaa u guuri doona Magaalada Dooxa.

338630cookie-checkHogaanka Ururka Xamaas oo Mujaahid Yahya Sinwar u dooratay Hogaamiyaha Cusub..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com