Ciidamada Badda ee India oo lagu Daad gureynayo Xeebaha Bari ee Somalia & Sababta ..

Somalia news World

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dowladda New Delhi ayaa Ciidamadeeda Badda ku soo daabuleysa inta u dhaxeysa Xeebaha Dalka Djibouti ilaa Xeebaha Bariga ee degaanada Puntland iyo sidoo kale Waqooyiga iyo Badda Gacanka Cadmeed…

Ujeeddada loo geynayo ciidamada Hindiya halkaas ayaa ah si ay u ilaaliyaan maraakiibta ganacsiga iyadoo la eegayo xaaladda amniga badda ee gobolka sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga India, Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Ajay Bhatt ayaa isaga oo ku sugan Lok Sabha ka sheegay in ciidamada badda ay qeybahooda ka howlgalaan gacanka Cadmeed iyo xeebaha Bari ee Afrika si ay ula dagaalamaan burcad badeedd.

Todobaadkii tagay Maraakiibta Dagaalka India ayaa ku guulaystay inay soo badbaadiyaan Doomo iyo Kalluumaysato ajaanib ah oo ay afduubteen kooxaha burcad badeedda Somalia, kuwaasoo doonayayinay ka qaataan madax furasho, ku darsoo Waxaa jiray walaac caalami ah oo isa soo tarayay oo ku saabsan maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto oo weerar ku qaaday maraakiib ganacsi oo kala duwan oo marayay badda cas tan iyo bishii November.

306370cookie-checkCiidamada Badda ee India oo lagu Daad gureynayo Xeebaha Bari ee Somalia & Sababta ..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com