Share the post "Hogaanka Xoogga Dalka Oo Xilkii Ka Xayuubiyay Madaxii Ciidamada Danab ee Jubbaland & Sababta.."
Wareegto uu soo saaray Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Mag. Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Danab ee Jubbaland Carab Dheeg Ahmed oo lagu eedeeyey inuu ku milmay xiisadda siyaasadeed ee Maamulka Jubaland iyo Dowladda Federaalka, kadib markii uu wareysi uu bixiyay ku eedeeyay Hogaanka Dowladda Federaalka Faragelin…
Xogtaan ayaa Waraidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Sarkaalkaan lagu bedelay Sarkaal kale oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cariif Hirad Salad kaasoo la amray inuu howsha halkeeda kasii wado, Carab Dheeg oo ah Taliyaha xilka laga qaaday ayaa looga yeeray Taliska Dhexe ee Militeriga Dalka inuu si deg deg ah kusoo galo.
Mr.Dheeg oo todobaadkan wareysi bixiyay ayaa ku dhaliilay Hogaanka Ciidamada Xoogga Dalka iney dalacsiinta Askartii Jubaland ka soo goosatay ee isu dhiibtay ciidanka dowladda ee ku sugan Raaskambooni, taasoo loo badinayo iney salka ku heyso xil ka qaadistiisa.