Maxaa Dowladda Federaalka ka Hortaagan iney Dib u Habeyn ku Sameeyaan Tayada Waxbarashada

Somalia news

Somalia xoriyadii kadib waxaa soo maray maamul Rayid iyo mid Ciidan labaduba waxa ay ka sinaayeen qorshe xumo iyo fahamka nidaamka Dowladnimo oo aad ugu yaraa madaxdii dalkan soo hogaamisey talabadaan ayaana horseeday qaran jabkii Shacbiga Soomaaliyeed ka dhaxleen gaar ahaan Dhalinyarada…

 Burburkii kadib waxaa Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa la kowsadeen Dalado (Danley) waxbarasho kuwaasoo ay ugu tunka weyn yihiin Fpens iyo Safe, Daladaha kale, waxeyna (Daladahaan) ku sifoobeen macaash raadis kaliya, iyadoo Bulshadu ay ka faa’iiday heybadda Ardaynimo aan aqooni maskaxeed ku jirin, Daladahaan ayaa maamulada Dugsiyada Waxbarashada Hoose/Dhexe iyo Sare, iyadoo Wasiirkii Waxbarashada ee Maamulkii Farmaajo uu ku soo rogay in qaabashada Shahaadada Dugsiyada Sare laga qaado Ardayga (30-US$).

Wasiirka cusub ee Dowladda Federaalka ayaa soo saaray Wareegto uu gebi ahaan ku joojinaayo qaadashada Dhaqaalahaasi, wuxuuna ku soo kooban (5-US$) oo ah Canshuurta Wasaarada Maaliyada, wuxuuna ugu baaqay Waalidiinta iyo Ardayda ineysan lacag laaluush ah ku bixin howl fududeyn.

Waxaa ka sii daran Daraasiin Jaamacado ah kuwaasoo intooda badan aan aqoonsi heysan, waxeyna Ardayga is-qorista hore ka qaadaan (30) US$, halka 3-bilood ee ugu horeysay Waxbarashada ardaygii laga qaado 150-US$, waxaana u sii dheer in Ardayda dhameysatada Waxbarashada heerka Jaamacada aysan fursad u helin iney shaqo helaan, marka Ma la Gaaray Xiligii dib u eegis iyo habeyn Dowladu ku sameyn laheyn Hanaanka Waxbarashada iyo tayeyntooda.

216130cookie-checkMaxaa Dowladda Federaalka ka Hortaagan iney Dib u Habeyn ku Sameeyaan Tayada Waxbarashada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com