Hoobiyayaal Lagu Weeraray Goobo Dhowr ah

Politics

Waxaa lagu weeraray qaybo ka mida magaalada Muqdisho Tiro hoobiyayaal, Sida ay sheegaan dad ku dhawaa halka ay ku dhaceen hoobiyayaashaasi waxeyna intaasi raaciyeen in ugu yaraan labo Hoobiye ay ku soo dhaceen qeybo ka mid ah degmada Cabdicasis, mid ka mid ah Madafiicdaas ayaa ku dhacay Garoonka kubada Cagta ee Stadium Cons, lama oga khasaaraha iyo bartilmaameedka loo waday Madaafiicdaas.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay hooboyayaashaas iyo halka laga soo tuuray, waxaa muuqata in ay soo kodhayaan magalaada Muqdisho hoobiyaasha lagu weeraro qayb ka mida Muqadisho.

Waxaana loo baadi Ayaan iney bilow u yihiin weerar iyo qaraxyo la qorsheeyay oo Kooxda Shabaabka ay ku doonayaan iney ku muujiyaan awoodooda, isla markaasna ay fuliyaan inta aan la gaarin 17-Bisha Ramadan.

31830cookie-checkHoobiyayaal Lagu Weeraray Goobo Dhowr ah