Filashada Ardayda Dhameynta Jaamacada Kadib Run iyo Riyo, Maxaa Talo ah…

Somalia news

Dalka Somalia wixii ka dambeeyay Burburkii Nidaamkii Dowladeed ee Dalka, waxaa ka dhismay Nidaamyo Waxbarasho oo Xarakooyin Diimeed ay hagayaan, iyadoo Jaamacaduhu lagu tilmaamo iney yihiin kuwa haya xilka ugu weyni ka saaran yahay xal u keenidda dhibaatada Ardayda ay soo saaraan kala kulmayaan suuqa shaqada, taasoo ay ugu horreyso xirfadaha looga baahan yahay iyo heerka aqoontooda…

Haddaba si loo hubiyo in ardayga jaamacadda ka baxaa uu awood u leeyahay in uu toos ugu shaqo geli karo waxa uu bartay, waxa aan ku talinayaa:

-Jaamacadaheennu iney abuuraan Waax ama Qayb qaabilsan Horumarinta iyo dhismaha Ardayga:- Xirfadihiisa, Waayo-aragnimadiisa ku shaqaynta waxa uu bartay iyo guud ahaanba in loo diyaariyo shaqada.

Waaxdan ama qaybtani waxa ay fulinaysaa barnaamijyo iyo adeegyo kala duwan oo ardayda ka caawinaya in ay horumariyaan xirfadaha ay u baahanyihiin, si ay guul uga gaaraan goobta shaqada, Waxaa ka mid ah, latalin xirfadda shaqada ah, tababarro iyo kulan-hawleedyo. In loo soo casuumo dadka ku shaqeeya xirfadda ay baranayaan, si ay uga dhegeystaan talooyin iyo casharro waayo-aragnimadooda la xidhiidha, in la sameeyo tartanno, imtixaanno iyo waraysiyo shaqo oo jilid ah, si ardayga loogu sii tababaro. Waxa kale oo muhiim ah in ardayga laga dhiso xirfadaha uu sida joogtada ah ugu baahanyahay, sida war isgaarsiinta iyo xiriirka, xallinta khilaafaadka, shaqo-wadareedka iyo iskaashiga, hoggaaminta, iwm.

-Jaamacaduhu waa in ay xiriiro wada shaqayneed iyo iskaashi la yeeshaan shirkadaha iyo guud ahaan shaqaaleeyayaasha dalka, si ay ardaygdooda uga helaan fursad ay tababarro shaqo kaga helaan, isla markaana ay masuuliyiintooda shaqaalaynta iyo waaxyaha kala duwan ee hadba waxbarashada ardayga khuseeya ku soo casuumaan jaamacadda, si ardayda ay u siiyaan khudbado iyo tababarro la xidhiidha baahiyaha xirfadaha shaqo ee goobahooda shaqo yaalla.

-Iney joogto u casriyeeyaan Manhajyada Waxbarasho iyo xitaa noocyada koorsooyinka ay ardayga siinayaan takhasus kasta, Iyaga oo raadinaya hadba cilmiga iyo kutubta soo kordha koorsooyinka, koorsooyinka laga takhaluso iyo kuwa soo kordha, iyo hannaanka waxbarasho ee loo guuro.

280890cookie-checkFilashada Ardayda Dhameynta Jaamacada Kadib Run iyo Riyo, Maxaa Talo ah…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com