Hoobiyayaal Lagu Weeraray Xarunta Amisom

Politics

Wararka naga soo gaaraya Xarunta Amisom ee Xerada Xalane Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi goor dhaweyd lagu garaacay tiro hoobiyeyaal ah…

Hoobiyeyaashaan ayaa waxaa lagu sheegay inay gaarayaan ilaa Saddex Hoobiye oo gudaha Xalane ku dhacay, sida ilo wareedyo ku sugan Garoonka Aadan Cadde ay sheegayaan.

Dhawaqa hoobiyeyaashan ayaa la maqlay waxyar kadib markii la afuray, lamana oga jiho ahaan meesha laga soo tuuray.

Kooxda Shabaab muddooyinkaan dambe waxa ay culeyska saareen inay Madaafiic ku garaacaan Xerada xalane, maadaama fursad kale oo amnidaro ay uga gaystaan Muqdisho gudaheeda ay waayeen.

32920cookie-checkHoobiyayaal Lagu Weeraray Xarunta Amisom