Ma Dhabaa In Madaxweynaha uu ku Wajahan yahay Magaalada Garoowe

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah oo ku dhow Madaxtooyada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu maalmaha soo socda ku wajahan Puntland gaar ahaanna caasimadda Garoowe, kadib markii ay Maamulka Garoowe diideen imaatinka Wasiirka 1-aad…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Maamulka Saciid Dani oo todobaadkii ugu dambeeyay waday dhoolatus siyaasadeed, kadib markii Xarunta Garoowe uu ku qaabilay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ethiopia, kuwaasoo degaanka u soo gaaray sidii heshiis amni oo baalmarsan Dowlada Federaalka ula yeelan lahaa Maamulada Puntland & Konfur galbeed.

Talaabadaan ayaa u muuqata mid sii xuumeysa xiriirka Dowlada Federaalka iyo labada Maanul goboleed, iyadoo arritaan laga duulaayo ayeey Villa Somalia ka dalbatay Mr.Dani inuu Madaxweynaha Safar shaqo ku yimaado magaalada Garoowe waana laga aqbalay.

Wafdi degaanka ka soo jeeda oo hordhac ah uuna hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta ku wajahan magaalada Garoowe, waxaana lagu wadaa in Madaxweynaha inuu Madaxweynaha Puntland kala hadlo xoojinta xiriirka labada dhinac ee Puntland iyo Villa Somalia oo muddooyinkii danbe sii xumaanayay.

209760cookie-checkMa Dhabaa In Madaxweynaha uu ku Wajahan yahay Magaalada Garoowe