Hormuud Salaam Foundation oo Dhul Degaan ah ugu Deeqday Dad Barakac ah..

Somalia news

Hey’adda samafalka maxalliga ah ee Hormuud Salam Foundation ayaa sheegtay in ay dhawaan ku deeqday dhul lagu deegaameyn doono dad ku barakacay gudaha Somalia, iyadoo Gudoomiyaha Shirkadda uu kaqeyb galay Kulan Mowduucaan looga hadlaayay oo ka dhacay Magaalada Geneva ee Dalka Swiss-ka..

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Cabdulaahi Nuur Cusman ayaa VOa-da u sheegay, in dhulka ay bixiyeen ay degi karaan ugu yaraan 10,000 oo qoys, Wuxuu kaloo sheegay in marka laga soo tago dhulkaasi, ay hey’addiisu adeegyo badan ka caawiso dadka barakac ah, iyadoo Hal Million oo Barakacayaal ay ku kala sugan yihiin Degaano ka tirsan Dalka Somalia.

Kulankaan oo ay wadajir u soo wada qabanqaabiyeen Qaramada Midoobay & Dowlada Federaalka Somalia, ayaa waxaa looga dooday sidii Barakacayaasha Soomaalida loogu heli lahaa Degaan Nabad ah oo ay ku noolaadaan isla markaasna loogu heli lahaa xalka waara ee barakacayaasha Somalia.

349620cookie-checkHormuud Salaam Foundation oo Dhul Degaan ah ugu Deeqday Dad Barakac ah..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com