Xabsigii NISA Ee Gobolka Benadir Oo Dib Loo Howlgeliysy

Somalia news

Warbixino hordhaca ah oo laga helay ilo ku dhow Xoogaga amaanka ee Maamulka Villa Somalia ayaa sheegay in Xabsigii NISA Ee Gobolka Benadir, dib loo howlgeliyay, iyadoo ay ku xiran yihiin tiro badan oo Dhalinyaro laga soo qabtay Xaafadaha Magaalada….

Xogtaan ayaa Diinah.com u xaqiijisay in Tiro 120-Dhalinyaro ay ku xiranyihiin, kuwaasoo loo heysto Bananbaxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho dhowaan, sidoo kale bishaan May waxaa la xaqiijiyay iney ku dhex geeriyoodeen 2-Muwaadin Oo dhalinyaradaasi ka mid ah 2 qofood oo ka mid ahaa.

 Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Fanaan Abdi Gaaran uu ka mid yahay Dhalinyarada ku xiran xabsigaasi, iyadoo loogu geystay jir-dil ba’an jirdil oo ka baxsan Xeerarka Caalamiga ah iyo Shuruucda Dalka u degsan, waxaan loo wareejiyay Xabsiga Baarista Madaxtooyada dhowaan.

Sanadkii  December 2018 Wasiirada Cadaallada iyo Amniga Gudaha Dowlada waxey ku dhawaaqeen in xabsigaasi la xiray loona baddalay Akadeemiyo Hey’adda NISA ay tababarro ku saabsan xuquuqul insaanka ku siiso shaqaalaheeda..

37870cookie-checkXabsigii NISA Ee Gobolka Benadir Oo Dib Loo Howlgeliysy