Hoteelada Muqdisho & Mooshiinka Garabyada

Politics

Waxaa Hoteelada Xamar gaaf wareegayo Gacan-yarayaasha Madaxweynaha oo si bareer ah u sheegaya iney Fashilka Farmaajo ku wareejiyaan Wasiirka 1-aad Mr.Kheyre, kadib markii uu Fashilmay Kulamo taxane ah oo ay Garabyada Kooxdaan ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Xuuraan laga helay ilo ku ku dhow Xildhibaan Cabdishakuur Mire (Gaaleri) iyo Mr.Siyaad Shire oo ku magacaabay Agaasinaha Shirkadda magac u yaal ka ah ee Somali Airlines, waxeyna Shaqsiyaadkaan oo xiligaan ah dalaaliinta ugu weyn ee Farmaajo uu Adeegsado, Waxeyna 24-kii saac ee ugu dambeysay ku wareegaayeen Hoteelada iyo Guryaha Xildhibaanada si ay taageero ugu helaan in Mooshin laga Geeyo Wasiirka 1-aad si xilka looga xayuubiyo, iyagoo balanqaadyo Dhaqaale bixiyay.

Xubnahaan oo Dhaqaale joogta ah ka qaata 3-Meel ka qaataan Dhaqaale sharci darro ah kuwasoo kala ah tan Xilalka ay ku magacaaban yihiin ayna u dheer tahay Dekada iyo Gobolka Banaadir.

Mr.Farmaajo oo cagta saaray Wadadii Fashilka ayaa doonaya inuu Mas’uuliyada dusha ka saaro Mr.Kheyre inta aan la gaarin 21-05-2020 ee Fadhiga Golaha Amaanka ee UN-ka, wuxuuna ku jiraa rafashadii ugu dambeysay, iyadoo aan la ogeyn sida uu xaalku noqon doono iyo in Xildhibaanada Kulankooda 27-ka Bishaan dhinacyadaan doontoodu degtay midkey la Aadan doonaan.

Dhanka kale,Garabka Kheyre ayaa la sheegay in loo balanqaaday in Xaal marin loo siin doono 15-millions US$ hadii uu ka dego Xilka ka hor 27-ka Bishaan, waxaana la sheegay inuu ka gacan seyray, iyadoo uu wada tashiyo la leeyahay Kooxdiisa, sida laga yeelaayo xaalada adag iyo qorshaha xige.

35060cookie-checkHoteelada Muqdisho & Mooshiinka Garabyada