Villa Somalia Oo Fashil Ka Soo Raacay..

Politics

Madaxtooyada iyo Qaar ka mid ah Laamaha Amniga dowladda ayaa wada cadaadis ku aadan sidii loo joojin lahaa shir looga hadlayo aayaha Beesha Mudullood oo berri lagu wado inuu ka furmo Hotel ku yaal magaalada Muqdisho.

Shirkan oo maalmihii u dambeeyay la waday qabanqaabadiisa ayaa waxaa lagu martiqaaday Madaxweynayaashii hore, Siyaasiyiin, xildhibaano ka tirsan labada gole, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Isku daygii koowaad ee la doonayay in shirka lagu baajiyo ayaa xalay dhicisoobay, kadib markii siyaasiyiin ku xiran Madaxtooyada ay isku dayeen in odayaasha dhaqanka ee Hormuudka u ahaa kulankaas inay ku qanciyaan in shirka dib loo dhigo.

Sidoo kale waxaa bilowday isku-day 2-aad (Plan-B) oo ah qorshe laamaha amniga Maamulka uu ku doonayaan in shirka la baajiyo sida waddooyinka oo la xiro, iyo Hotelka lagu dhigayo shirka oo digniino loo diray.

Inkastoo aanay weli jirin war rasmi ah oo dowladda ka soo baxay oo ku aadan in shirkaas la baajiyo, balse waxaa jira warar sheegaya in dowladdu awood u adeegsato baajinta shirkaas oo laga cabsi qabo in isku dhac uu dhaco.

Waxaana dhinacyadaan wadaan abaabulo xoogan oo iska soo horjeeda, iyadoo Ciidamo aad u hubeysan oo Taageersan Guddiga Qabanqaabada ay caawa isku doyaarinayaan sidii ay u difaaci lahaayeen hadii uu weerar kaga yimaado Maleeshiyaadka Kooxda Farmaajo.

18400cookie-checkVilla Somalia Oo Fashil Ka Soo Raacay..