Howlgalo Laga Fuliyay Degaanka Ceelasha

Politics

Macluumaad hordhac ah ayaa laga soo sheegaya howgalo ay si wadajir ah uga fuliyeen Deegaanka Ceelasha Biyaha, Ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira kuwa Shirkadda Bangcraft iyo kuwa sida gaarka u tababaran ee Danab….

Goob jooge degaanka ah ayaa sheegay in Ciidamadaan oo ku hubeysanaa Gaadiidka dagaalka (15 gaari) ayaa si toos ah u bartilmaameedsaday  guri ay dad shacab daganaayeen.

Inta uu socday Howlgalkaas waxaa lagu soo qabtay ruux wayeel ah oo lagu magacaabo Abdullahi Axmed iyo labo dumar ah,  oo midna ay tahay xaaskiisa midna uu dhalay.

Xogtaan ayaa u sheegtay in markii ay gareen Ciidamadaan guriga howlgalka laga fuliyay waxaa ka maqnaa Cabdullaah axmed oo ah bartilmaameedka howlgalka, waxaana lagu was ay xaaskiisa laga qaaday taleefonka laguna amray inay ninkeeda wacdo siduu guriga u yimaado waqtigaas uu Abdullahi Axmed ku maqnaa Masaajidka, markii uu yimid guriga waxaa gaariga lasaartay odaygii iyo labadii dumar,

Lama oga sababta ka dambeeysa xariga Qoyska Soomaaliyeed Ciidamada kama aysan soo saarinen faahfaahin ku saabsan weerarkaas.

29820cookie-checkHowlgalo Laga Fuliyay Degaanka Ceelasha