Boliiska UK Oo Qabtay 2-Dhalinyaro ah

World

Wararka naga soo gaaraya Dalka Boqortooyada UK ayaa sheegaya in howlgal ay si wadajir ah fuliyeen Laamaha Amaanka iyo kuwa la dagaalanka argagixisada, lagu soo qabtay laba xubnood oo lagu eedeeyay iney gacan saar la leeyihiin Kooxda Daacishta…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Eedeysane Ayub Nur Husein oo 29- sano jir ah (07.09.90) degana degaanka Stockwell iyo Eedeysane Said Mohammed oo 30 sano jir ah (18.05.89) isla markaasna degan degaanka Longsight Manchester, ayaa lagu eedeeyay iney dhaqaale dhan 2,700 £ u direen xubno ka tirsan Kooxda Daacishta Ciraaq.

Saraakiisha Baarista ayaa sheegay in Eedeysane Nur Hussein uu xiriir khadka Isgaarsiineed la yeeshay xubin ku sugan Dalka Ciraaq, iyagoo u diray Dhaqaale 3 qeybood ah bilihii April June iyo July sanadkii 2019.

Waxaana Eedeeysanyaasha ay Boliiska qabteen 16-kii July 2019, iyagoo loo soo gudbiyay Saldhigga Boliiska Magaalada London, waxaana guryahooda laga soo saaray qalabka digital Media, iyadoo Boliiska ay horgeeyeen Maxkamadda 24-kii Bisha April 2020.

29850cookie-checkBoliiska UK Oo Qabtay 2-Dhalinyaro ah