Is-Qabqabsi & Khilaafyo Hareeyay Isbedelada Lagu Sameynaayo Xilalka Dowladda & Sababaha..

Somalia news

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay khilaaf hoose oo salka ku haya isbedelo lagu sameynaayo Xilalka Wasiirada, Kuxigeenadooda, Hogaanada Ciidamada Boliiska, Xooga Dalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir, waxaana ka dhashay jahwareer iyo is qabqabsi haba ugu darnaatee soo kordhinta Xilka Ra’iisul wasaare kuxigeenka 2-aad…

Khilaafkaan ayaa soo shaac baxay kadib markii Wasiirada/Kuxigeenada ka soo jeeda Waqooyiga Somalia ay ganafka ku dhufteen iney ka qeyb galaan Shirka Golaha Wasiirada oo loo madnalaa Habeenkii Jimcihii, waxeyna diidmadooda salka ku heysaa Magacaabista Ra’iisul wasaare kuxigeenka 2-aad loo magacaabo Xubin ka soo jeeda Degaanada Konfur Galbeed, iyadoo lagu wado in Xilka laga Xayuubiyo Ra’iisul wasaare kuxigeenka laguna bedelo xubin kale oo Beesha Waqooyiga ah.

Gorgortankaan ayaa sii murjiyay cakirnaanta siyaasadeed ee huursan, Hogaaminta Jilicsan ee Madaxweynaha, iyo Isbedelka qorsheysan ee dhawaan lagu sameyn doono Golaha Wasiirada, Taliyayaasha Ciidamada iyo Gobolka Benaadir, halkaan ka akhri xubnaha loo xushay.

-Ra’iisul Wasaare kuxigeen Saalim Cali Ibrow (Digil iyo Mirifle).

-Wasiirka Warfaafinta Mrs.Maryan (Ex.Qunsulkii Somalia ee Ethiopia).

-Wasiirka Haweenka Khadiija Al-Makhtuoum Beesha Arab (5-aad).

-Wasiirka Degaanka Maxamed Subeyr ex Agaasimihi Xafiiska Wasiirka 1-aad Beesha 5-aad.

-Wasiirka Caafimaadka Xildhibaan Cali Gaab Beesha (Gaal-jecel) Hawiye.

-Wasiiru Dowlaha Maaliyada Cabdulqaadir Abuukar (Abgaal) Hawiye.

-Wasiiru Dowlaha Wasaarada Howlaha guud Max’ed Axmed Beerey (Abgaal) Hawiye).

-Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Mr.Sakhawadiin oo ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle.

-Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Shuute Abgaal (Hawiye).

-Taliyaha Boliiska Asad Diyaano M.Saleebaan (Daarood).

-Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Mogadishu waxaa ka taagan Muran (Mulkiilaha Maamulka Xasan Gurgurte) Faarax Sakiin iyo Adeege Cali Balcad ayaa isku heysta Shaqsiga loo magacaabyo Xilkaan, waxaana u sharaxan:-

-Ibraahim Sheekh Maxamuud (Ibraahim Turkish) oo ka soo jeeda jufada Celi Cumar iyo Maxamed Caamir oo Beesha Mataan Abgaal (Hawiye).

-Agaasimaha guud ee Immigration-ka Maxamed Caabi Xasan

-Agaasimaha Wasaarada Haweenka Mss Zakia Huseen (Dir).

-Maareeyaha Hey’adda Maalgashiga (Somainves) Maxamed Dhuubow (Xawaadle).

-Xisaabiyaha Guud Mr.Siraaji oo kasoo jeeda Beesha Xawaadle (Hawiye). kuxigeenkiisa Cabdullaahi Nuur Shirbow Abgaal Hawiye.

-Hantidhowraha Qaranka Mr.Cali Xaaji Warsane MJ (Daarood).

-Agaasime kuxigeenka Hey’adda Socdaalka Cabdiraxmasn Sh Cabdikariim Beesha Reer aw xasan Beesha 5-aad.

336440cookie-checkIs-Qabqabsi & Khilaafyo Hareeyay Isbedelada Lagu Sameynaayo Xilalka Dowladda & Sababaha..