Kooxda Shabaabka oo Weerartay Saldhig Ciidanka ATMIS ku leeyahay Degaanka Ceel Baraf

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in koox ka tirsan Maleeshiyaadka argagixisada Shababka ay Saaka weerar kedis ah ku qaadeen Fariisin ay Ciidamada ATMIS ku leeyihiin Degaanka Ceel baraf oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe…

Wararka ayaa sheegay in marka hore Gaari miineysan ayaa lagu qarxiya afaafka hore ee farsiinka Ciidamada, waxaa xige dagaal toos ah ayaa xigay oo lagu beegsaday goobaha laga ilaaliyo xerada sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah, Ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa Dalka Burundi ayaa adeegsaday hubka fud-fudud iyo kuwa ku xiray Gawaarida ciidan.

Kooxda ayaa sheegatay in ay si buuxda u qabsatay Xerada oo muddo kooban dagaal kula jireen Ciidanka Midowga Afrika ee ku howlgala Magaca ATMIS gaar ahaan kuwa ka socda Dalka Burundi, iyadoo uu ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac ayaa lagu sheegay Bayaan ay kooxdu soo saareen inuu ka dhashay dagaalka balse lagu muujin tiro rasmi ah oo dhankooda iyo dhinaca Ciidanka Midowga Afrika ku gaaray Dagaalkaan.

186520cookie-checkKooxda Shabaabka oo Weerartay Saldhig Ciidanka ATMIS ku leeyahay Degaanka Ceel Baraf
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com