Is-Rasaaseyn Dhex Martay Ciidamada Ethiopia iyo Kenya

Politics

Xiisado colaadeed ayaa ka oogan Xadka u Dhaxeeya dalalka Ethiopia iyo Kenya, kadib markii labada Ciidan ay rasaas isweydaarsadeen, iyadoo dhanka Kenya la sheegay in dadka la xakameeyay iney ka gudbaan….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Magaalada Mootaale ee dhanka Kenya la sheegay in Nin Qadaraasle ah iyo Dhaqaalihii day oo dhisaayay Isbaarooyin laga soo rasaaseeyay dhinaca Ethiopia, aroornimadii Arbacadii, waxaana la sheegay in laga gubay Qandaraaslaha gaari Cagaf-cagaf ah.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay iney baarayaan Ciidamada ka soo weeraray dhanka Ethiopia, waxeyna dadka rayidka ah ugu baaqeen iney is dejiyaan, iyadoo ay Weli taagan tahay xaalada oo aan laga gaarin xal.

Dhanka kale Ganacsatada iyo Kooxda Dableyda Ethiopia ayaa ku hanjabeen iney ka soo horjeedaan in la xiro xadka labada dal, isla markaasna ay dagaal ka xigaan in la xiro ama la xakameeyaan isu socodka dadka iyo ganacsiga xuduuda.

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in kooxda iska hor-imaadka ku lugta laheyd ay ahaayeen ciidamada Takabas ee Boliiska keydka Ethiopia, kuwaasOo wacad ku maray in xuduudda ay furnaan doonta, oo aysan Kenya xiri karin, bishii May ee sanadkii tagay ayeey sidaan oo kale shaqaaqooyin noocaan oo kale ay dhaceen, wallow shaqaaqadaasi ay salka ku heysay aano iyo aargoosi dilal dhacay.

25600cookie-checkIs-Rasaaseyn Dhex Martay Ciidamada Ethiopia iyo Kenya