Is-Rasaaseyn Ka Dhacday Jigjiga

Politics

Goobjoogayaal ku sugan magalaada Jigjiga ee Xarunta Is-Maamulka Soomaalida ee Ethiopia ayaa sheegaya in xalay laga maqlayay rasaas qabya kamida magalaadaasi, Dhawaaqa rasaastaan ayaa waxa ay ka imaanaysay Xafaada Ableelaha ilaa Hotel Xamda iyo wadada halbawlaha ah ee dhex marta magalaada ayaa xabaduhu ka dhaceen….

Ilaa iyo hada lama oga sababta lakiin dad dhalinyaro ah oo banaan baxaaya ayay iska hor yimaadeen ciidanka amaanka.Rasaasta xalay la maqlay ayaana ku soo aadeysa iyadoo Xaalada degaanka ay tahay mid cakiran.

Siyaasada degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa waxey uu u muuqataa iney gashay xaalad cusub oo horseedi karta in Magaalada ay ka qarxaan dagaalo, Waxaa socda loolan u dhaxeeyo qabaa’iilada dega degaanka iyo Maamulka Soomaalida, waxaana dhibacyadaan loogu baaqay iney xaalada dejiyaan.

36330cookie-checkIs-Rasaaseyn Ka Dhacday Jigjiga