Maxaa ka Run ah in Saraakiil Sirdoon oo NISA ka tirsan lagu Eedeeyay Isku Afduub ka Fulin Rabeen Nairobi..

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaaya in Saraakiil ka tirsan Hey’adda NISA iyo Xubno Taageerayaal ah oo ka tirsan Xisbi-Diimeedka Demu jadiid ayaa lagu eedeeyay iney Shirqool Afduub u maleegeen Agaasimihii hore ee Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadaha oo ku sugan magaalada Nairobi ee Dalka Kenya…

Xogtaan ayaa u sheegtay Warsidaha Diinah.com news iney ogaatay in Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) uu ka badbaaday isku dayo dhowr ah oo lagu afduubi rabay intii u dhaxeysay 12-15-kii bishaan July, iyadoo la soo kireystay Xubno dhar cad ah oo ka tirsan Sirdoonka Dowlada Kenya.

Mr.Kofi oo Hogaanka Hantidhowrka uu ku eedeeyay inuu lunsaday hantida Hey’adda isla markaasna loo gudbiyay Maxkamada gobolka ayaa iska fogeeyay eeda loo jeediyay, wuxuuna sheegay in Qorshahaan uu yahay la doonaayo in lagu hor istaago inuu u tartamo Xilka Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

266260cookie-checkMaxaa ka Run ah in Saraakiil Sirdoon oo NISA ka tirsan lagu Eedeeyay Isku Afduub ka Fulin Rabeen Nairobi..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com