Isku Shaandheyn Lagu Sameynaayo Golaha Wasiirada

Politics

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo ku dhow Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in laga heshiiyay Khilaafkii u dhaxeeyay Mr.Farmaajo iyo Mr.Kheyre, isla markaasna la isla gartay in isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada…

Xogtaan ayaa Diinah.com u tilmaamtay in lagu heshiiyay in la dajiyo Xasaarada ka dhalatay abaabulka Mooshinada iska soo horjeeday, madaama uu banaanka u soo baxay Khilaafka, waxaana la isla meel dhigay in Hal sano (1-year) lagu kordhiyo Xiliga joogitaanka Barlamaanka, Golaha fulinta iyo Madaxweynaha, madaama xiligaan macquul aheyn in 2-Sano lagu Daro, sida uu rabay Mr.Farmaajo.

Waxey labada Garab ku heshiiyeen in isku Shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada Talaabadaasi oo horey u diidanaa Mr.Kheyre, iyadoo tiro dhowr Wasiir ay xilalkoodu weyn doonaan sida Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Wasiirka Arimaha Dibadda kuwaas oo lagu badali Doono Shaqsiyaad kale oo wali la shaacin magacyadooda.

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Diinah.com in Dhamaan Taliyayaasha 4-Ciidan ee Dowlada xilka laga qaadaayo, iyadoo Agaasimaha NISA Adeege Fahad Yasin lagu wado inuu noqdo Wasiiru Dowlaha Amniga, kadib markii Wasiiru Dowlahii Arrimaha Dibada uu Dib ugu noqday Dalka Canada, isagoo aan xilka wareejin, mudooyinkii ugu dambeeyay Khilaaf kala dhaxeeya Wasiirka Arrimaha Dibada.

35670cookie-checkIsku Shaandheyn Lagu Sameynaayo Golaha Wasiirada