Fariin Ka Timid U.N. Oo Saamileyda Siyaasada Somalia La Gaarsiyay

Politics

Macluumaad ayaa laga soo sheegaya Fariin qoraaleed ka timid Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr.Antonio Guterres, ayaa ku dhiiri geliyay Madaxweynaha Somalia inuu miiska wada xaajoodka la fadhiisto Hogaamiyayaasha Dowlad goboleedyada iyo Saamileyda Siyaasada Somalia…

Sida ku xusan khudbad ka filaayo inuu Golaha Amaanka ee U.N. ayaa Mr.Guterres sheegay iney sameeyeen dadaalo badan oo lagu xalinaayo is-maandhaafka, balse aysan miro dhal noqon, wuxuu warbixintiisa ku xusan “Ma jirto wakhti dheeraad ah oo la lumiyo”, isagoo ku Adkeeyay Madaxda Dowlada iyo Kuwa Maamulada iney soo magacaabaan Wakiilo soo qabanqaabiya Kulan ay madaxda yeeshaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Mr.Guterres ku adkeeyay Ah miyaad ay leedahay in Hogaamiyayaasha ay diirada saaraan Qodobada muhiimada u leh Qaranka sida Doorashooyin wakhtigooda dhaca iyo Arrimaha Amniga, Is-mariwaaga ka taagan Sharciga Doorashooyinka ayuu ku baaqay in la soo gabogabeeyo iyo si la mid ah xeerka Xisbiyada.

“Dhaqangelinta jadwalka Doorashada wuxuu Sidoo kale u baahan yahay taageero uu ka helo dhamaan Madaxda Dowlad goboleedyada, Saamileyda Siyaasada iyo Ururada Bulshada Rayidka” ayuu hoosta ka xariiqay Xoghayaha guud ee QM.

Wuxuu Saluug iyo waalac badan ka muujiyay Qoondada Haweenka ee matalaada Barlamaanka Oo xeerka doorashooyinka Oo aan si cad loogu qeexin, ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqay Saamileyda Siyaasada iyo Madaxda Dowlada iney xaqiijiyaan sida ay doorsho wakhtigeeda la qabto Oo heshiis lagu wada yahay.

35640cookie-checkFariin Ka Timid U.N. Oo Saamileyda Siyaasada Somalia La Gaarsiyay