Israel Oo Ethiopia ka Taageereysa La-dagaalanka Kooxaha Argagixisada & Xuutiyiinta…

Africa News Security

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan ay wada yeesheen Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Israel iyo Ethiopia, Gideon Sa’ar iyo Gedion Timotheos, kaasoo kadhacay magaaladw Jerusalem ayuu Sa’ar cadeeyay inuu xiriirka ka dhexeeyo kooxaha Shabaabka iyo Xuutiyiinta oo dagaal kula jira Israa’iil, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in labada Dal iska kaashadaan la dagaalankooda…

“Argagixisadu waa khatar aynu wadaagno, waxaynu aragnaa kooxaha xagjirka ah ee gobolka sida Xamaas, Xisbullah, Jihaadiyiinta Syria iyo Aragagixisada Shabaabka& kuwa kale waa in la ciribtiro,” ayuu sheegay Mr.Sa’ar, sida lagu baahiyay Wargeyska The Times of Israel.

Israel waxay khatar u aragtaa xiriir dhawaan Mareykanku sheegay inuu ka dhexeeyo kooxda Shabaabka oo ka tirsan ururka Al-Qaacida iyo Xuutiyiinta Yemen, oo ka caraysan dagaalka ay Israa’iil ku qaaday Gaza, isla markaana weerarro u geysta maraakiibta Ganacsiga Israel, Sidoo kale, Ethiopia oo ka mid ah Dowladaha aan badda lahayn, balse shixnadaha ganacsigu ay u soo maraan Badda Cas, ayaa Xuutiyiinta u aragta khatar, iyadoo dhowr jeer sheegtay in Addis Ababa ay muhiim u tahay inay door ku yeelato amniga Badda Cas.

363790cookie-checkIsrael Oo Ethiopia ka Taageereysa La-dagaalanka Kooxaha Argagixisada & Xuutiyiinta…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *