Ma Dhabaa in Dowlada Ethiopia ay Diyaarisay Ciidamo la Dejiyo Dekeda Berbera ee Somalia..

Africa News Somalia news

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijineysa in Dowlada Ethiopia oo kaashaneysa Dowladaha USA, UK & UAE ay Dowlada Federaalka & Maamulka Somaliland weydisteen in Ciidamo Dalkeeda ka socda ay fariisimo ka dhigtaan Degaano ka tirsan Seylac iyo Dekeda Berbera, iyadoo Muuse Biixi looga yeeray magaalada Addis abeba, kadib markii ay soo korortay xiisada u dhaxeysa USA & Yemen…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Maamulka Villa Somalia ay si hordhac ah u oggolaadeen in Ciidamo Ethiopian ah la dhigo xeebta Seylac iyo Dekeda Berbera, iyadoo lagu wado in tirada Ciidamadaan ay u dhaxeyn doonto 3000/5000 Askari, waxaana laga cabsi qabaa in Xiisadaha u dhaxeeyay USA, UK, Germany oo dhinac ah & Kooxda Xuutiyiinta uu ku soo fido Somalia.

Dowladda Ethiopia ayaa cadaadis ku haysa Maamulka Muuse Biixi si ay u ogolaato in Ciidamada Ethiopian-ka ah loo diro xeebaha Badda Cas si ay ula dagaalamaan Xuutiyiinta, Biixi ayaa hore u codsaday wakhti dheeraad ah oo la tashi ah, balse Ethiopia ayaa sheegtay iney wakhti badan heysan, waxeyna uga digtay Maamulka Hargeysa in dhibaatada ka dhalata Badda cas ay saameyn ku yeelan doonto Dalalka Geeska Africa.

Dalalka France, Italy, iyo Spain ayaa kala baxay Raxantii Maraakiibta dagaalka ee USA ay dooneysay iney ka mid noqdaan Isbahaysiga (USA, UK iyo Garmany) badda cas, Khubarada arrimaha Amaanka ayaa isweydiinaya waxa ay Ciidamada Ethiopia kusoo kordhin kara xaalada taagan? kaliya waxay soo jiidataa dagaal daba dheeraada oo khasaare ba’an ka geystay Somalia iyo Djibouti.

297540cookie-checkMa Dhabaa in Dowlada Ethiopia ay Diyaarisay Ciidamo la Dejiyo Dekeda Berbera ee Somalia..