Isra’il oo Aqoonsigii kala Noqotay Wakiilada Norway u Fadhiya Falastiin…

World

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa cabsho xoogan oo ay soo saartay Dowlada Norway kuna aadan go’aan ay shalay ugu yeertay Safiirka Isra’il ee Dalkeeda kuna wargelisay in ka laabato go’aankii ay Israel kala noqotay maamuuskii diblomaasiyadeed Wakiillada Norway ee Dowlada Falastiin…

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa sheegtay in ay kala noqonayso maqaamkii dublamaasiyadeed ee “sideed diblomaasiyiin oo Norway ah”, Wasiirka arrimaha dibadda Espen Barth Eide ayaa sheegay in uu “la yaabay” go’aankii kasoo baxay wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Katz maanta oo Khamiis ah.

Qoraal uu horay u soo saaray, Wasiirka Norway Barth Eide wuxuu go’aanka Israa’iil ku tilmaamay “ficil aad u xun” oo “cawaaqib yeelan doona”, “Norway waxay si cad u muujisay dhaleecaynteena ku aaddan qabsashada (dhulka falastiiniyiinta), qaabka loo qabtay dagaalka Gaza iyo dhibaatada ay tani u geysatay dadka rayidka ah ee Falastiin,” Eide ayaa sii waday.

338860cookie-checkIsra’il oo Aqoonsigii kala Noqotay Wakiilada Norway u Fadhiya Falastiin…