Dadka laga helay Covid-19 Oo Ka Gaaray Caalamka 250-Millions.

World

Waxaa sii kordhay kiisaska cusub ee Covid-19 guud ahaan Caalamka kadib markii Dalal badan laga diiwaangeliyay xaalado cusub sida ay sheegeen Wasaaradaha Caafimaadka Dalalkaas, Cuddurkaan ayaa muddo laba sano ah maahquuliyay Dowladaha Aduunka, iyadoo aan weli lagu guuleysan Xakameyntiisa…

Warbixintii ugu dambeysay ayaa tilmaameysa in Bukaanada laga helay fayruska waxay gaarayaan 250,613,814 (Labo boqol & konton Milyan, Lix boqol, toban & saddex kun, Siddeed Boqol, toban iyo Afar ruux), Dalka ugu xaaladaha badan waa Mareykanka, 46,4 Millions, waxaa ku xiga India 34,4 Millions, Brazil 21,9 Millions, UK 9,3 Millions.

Bukaanada (Dadka) u dhintay 5,064,655 (Shan Milyan, lixdan & afar kun, lix boqol, konton iyo shan) ruux ayaa u geeriyootay Covid-19 sida lagu diiwaangeliyay bogga gaarka ah ee Hay’adda Caafimaadka WHO & World Meters.

226,869,677 (Labo boqol, labaatan & lex milyan, siddeed boqol, lexdan & sagaal kun, lex boqol, lexdan & lex ruux) ayaa ka caafimaaday (ka bogsatay) xannuunka Coronavirus oo is bedel nolol & dhaqaale laga dhaxlay.

149970cookie-checkDadka laga helay Covid-19 Oo Ka Gaaray Caalamka 250-Millions.