Jubbaland Oo Faro Gelin Ku Eedeysay Villa Somalia

Politics

Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxay si xoogan uga hortimid maamulka cusub ay Dowladda Federaalka ka dhistay Gobolka Gedo, taa oo ay ku tilmaamtay mid ka baxsan Shuruucada dalka u degsan….

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa lagu sheegay in Jubbaland ay ka xun tahay falalka sharci-darrada ah ee ay Dowladda Federaalka ka waddo Gobolka Gedo, kuwaasoo sababay qalqal amni, jahawareer siyaasadeed iyo burbur bulsho.

“Sidaas daraadeed Dowlad Goboleedka Jubbaland waxay cadeynaysaa in ay waddo Dowladda Federaalka Somaliya ku xadgudubka dastuurka iyo baabi’inta nidaamka federaalka ah ee dalka u degan.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalkaan ayaa lagu sheegay inay Jubbaland aqoonsan tahay Gudoomiye-yaashii ay iyadu horey ugu magacawday Gobolka Gedo, isla-markaana ay yihiin kuwa keliya ee sharciga ah.

Jubbaland ayaa dadka reer Gedo ugu baaqday inay la shaqeeyan Maamulka Gobolka Gedo ee sharciga ah, ciddii aan la shaqeyna ay qaadi doonto wixii masuuliyad-darro ah ee ka dhasha, sida bayaanka lagu yiri.

35920cookie-checkJubbaland Oo Faro Gelin Ku Eedeysay Villa Somalia