Go’aano laga soo Saaray Ka Ganacsiga, Iibka iyo Agabka Gargaarka Bani’aadinimada Dalka lagu Keeno..

Somalia news

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay in Howlwadeenada Hey’adaha Gargaarka Dalka iyo kuwa shisheeye lagu eedeynaayay iney lunsadaan, ka ganacsadaan agabka Iyo gargaarka loogu deeqo Shacbiga Soomaaliyeed, iyadoo Bakhaarada Suuqyada Dalka ay buux dhaafiyeen Raashinka Deeqda kiiyoo la iibinaayo…

Warbixino qeylo dhaan ah oo ay soo saareen Dalalka Deeqaha bixiya ayeey ku eedeeyay Hey’adaha UN-ka ee Gargaarka, USAid iyo kuwa Maxaliga ah iney musuqmaasuqeen Shixnadigii Gargaarka kuwaasoo si aan xabsi lageyn loogu iibiyo Suuqyada Dalka, iyadoo aan talaabo laga qaadin Shaqsiyaadka ku lugta leh, ku darsoo Maamulka Villa Somalia ayaa sheega iney la dagaalayaan musuqa.

Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee (SODMA), Wasaaradaha Gargaarka Dowladd Goboledyada Dalka iyo Gobolka Benaadir ayaa soo saaray go’aan Mamnuucaya in laga ganacsado Gargaarka Bini-aadanimo ee Dalka la keeno, si looga hortago in la Masuq-Maasuqo, Go’aankan ayaa lagu sheegay inuu la xiriiro dhamaan badeecadaha lagu keeno gargaarka sida cuntada, daawada iyo qalabka loo isticmaalo hoyga.

Hogaanka Hey’adaan oo lagu eedeeyay inuu macaash badan ka sameeyay dhaca iyo iibinta deeqda Gargaarka ayaa looga digey iibinta Agabka iyo Raashinka gargaarka iyadoo la sheegay in lala tiigsan doonaa Hay’adaha ku shaqada leh (Garsoorka) si ay uga qaadaan talaaba deg deg ah oo sharciga waafaqsan.

Go’aankan ayaa ku soo beegmaya maalmo kooban kadib markii USA iyo Midowga Yurub ay si ku meel gaar ah u hakiyeen dhaqaalihii uu siin jiray Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ee Somalia, sida laga soo xigtey ilo wareedyo loo qaateen ah.

278050cookie-checkGo’aano laga soo Saaray Ka Ganacsiga, Iibka iyo Agabka Gargaarka Bani’aadinimada Dalka lagu Keeno..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com