Jubbaland Oo Qorshe U Dejisay Dib U Xoreynta..

Politics

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo gelinkii dambe ee Sabtidii gaaray degaanka Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa ka wada abaabul Xoogan, oo lagu wajahaayo dib u xoreynta Degaanada ka maqan gacanta Maamulka…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu wado inuu Dhoobley uga sii gudbo Qooqaani iyo Afmadow, wuxuuna kula dardarmay Ciidamada iyo Shacbiga Jubbaland iney isku diyaariyay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen qorshaha Dowlad goboleedka u dejisay qabsashada Degmada Bu’aale.

Gen.Aadan Maxamuud Ibraahim, Taliyaha Guud ee Ciidanka Jubbaland ayaa Axadii sheegay in ay Jubbaland dejisay Qorshe dagaal, oo maleeshiyada Al Shabaab looga xoreynayo Magaalada Bu’aale, sida uu yiri.

Maamulka Villa Somalia oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Hogaanka Jubbaland ayaa waxay weli ku hawlan tahay carqaladeynta Maamulka Jubbaland, iyagoo sii xoojiyay cadaadiska ay ku hayso Jubbaland,Waxeyna gebi ahaan joojiyeen La-dagaalanka Kooxda Shabaabka,iyagoo Ciidamo badan geeyay degaano nabad ahaa oo laga xoreeyay Kooxda Shabaabka.

18690cookie-checkJubbaland Oo Qorshe U Dejisay Dib U Xoreynta..