Xog:-Wafti ka socda Dowlada Federaalka oo 15-sano kadib, tagay Magaalada Laas caanood

Somalia news

Waxaa markii ugu horeysay ka degay magaalada Laas caanood Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Aqalka Sare ee BJFS, Abdullahi Ali Hersi Timacadde, Safarka Wafdigaan ayaa ku soo aaday iyadoo uu ka soconayo muddo kabadan 40 maalmood dagaal u dhexeeya maamulka Somaliland iyo Dadka degaanka…

Wararka ayaa sheegay in Wafdigaan ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee muddo 15-sano ah tegay Degaan ka tirsan Gobolka Sool, iyadoo Madaxa Wafdigaan oo ah Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Aqalka Sare kana soo jeeda Degaanka ayaa waxaa wehlinaya xubno kasocda Wasaaradaha Dowladda Faderaalka, oo qiimeynaya baaxada khasaaraha iyo baahida gargaarka arrimaha bulshada.

Waxeyna Kulan la qaateen Isimadda dhaqanka iyo Guddiga 33-Xubnood ah oo Maamulka u haya Magaalada Laas caanood, Tagista Waftiga DFS ee Laascaanood, ayaa imaanaysa xilli maalinimadii doraad uu magaalada ka dhacay dagaalkii ugu cuslaa ee abid ka dhaca, kaasoo ay ka dhasheen khasaaro xoog leh oo dhinacyada kala gaaray, walina abaabul culus 

247350cookie-checkXog:-Wafti ka socda Dowlada Federaalka oo 15-sano kadib, tagay Magaalada Laas caanood